Maamulka Dhoobley oo bilaabay qorshe dib loogu furaayo wadooyinka xaafadaha ee xidhan

1483

Maamulka Magaalada Dhoobley ee gobolka Jubada hoose ayaa bilaabay qorshe dib loogu furaayo waddooyinka xidhmay ee magaalada Dhoobley.

Qorshaha dib u furidda wadooyinka ayaa saaka maamulka waxaa uu ka bilaabay Xaafadda Buulla-kutuuro oo ka midda Afarta xafadood ee magaalada Dhoobley.

Wadooyinka xirmay ayaa waxaa xidhay guryo ku soo durkay jidadka muhiim-ka ah ee dhexmara xaafadaha magaalada sida uu sheegay Gudoomiyaha magaalada Siyaad Maamed Xassan.

Ciidamada Booliska ee magaalada Dhoobley iyo Ciidanka xooga dalka eek u sugan magaalada Dhoobley ayaa ka qayb qaadanaayey ololaha dib loogu furaayo Jidadka magaalada Dhoobley.

Gudoomiyaha Dhobley oo uu waheliyo madaxa arimaha bulshada ayaa sheegay in Cidii soo gasha wadooyinka uu maamulka magaalada uu ka qaadayo talaabo sharciya.

Qorshahaan ayaa sadex maalin ee soo socota waxaa uu ka socon-doona xaafadaha kale ee magaalada Dhoobley,iyadoo dhamaan la furaayo wadooyinka xidhan ee magaalada Dhoobley.

Magaalada Dhoobley oo ah magaallo saaran xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa ah magaallo uu ka socdo koboc dhinaca dhismaha,iyadoo dhawaana la filaayo in magaalada laga hirgaliyo waddo laamiya oo gaaadhaysa ilaa 14km.

BY Axmed Suldaan Shiine