Wasaaradda Macdanta,Tamarta iyo Biyaha Jubbaland oo lagu Wareejiyey Gaadiid Biyaha lagu Dhaamiyo

1140

Wasaaradda Macdanta,Tamarta iyo Biyaha Jubbaland ayaa maanta afar Booyadood oo ah nooca Biyaha lagu dhaamiyo kala wareegtay hay’adda GIZ ee dalka Jarmalka.

Booyadahaan ayaa loogu talagalay in ay wax ka qabtaan baahida dhinaca biyaha ee haysata dadka ku nool magaalada Kismaayo,Qaasatan dadka ku dhaqan xaafadaha Midnimo iyo Madiino oo ay haysato biyo yari baahsan.

Iskuduwaha  dhinaca Mashaariicda Hay’adda GIZ Siraad Maxamed Cali oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in afar booyadood oo nooca biyaha ku wareejiyeen Wasaarada Biyaha Jubbaland loona baahan yahay in lagu qabto shaqadii loogu talla-galay.

“Baabuurtaan waxaa soo iibisay hay’adda GIZ, lacagta lagu gadayna waxaa bixiyey dalka Jarmalka,wasaaraddana waxaan ka rabnaa in lagu qabto shaqadii lagu talo galay”sidaa waxaa dhahay Siraad Maxamed Cali oo ka tirsan hay’adda GIZ.

Wasiirka wasaarada macdanta,tamarta,iyo biyaha Jubbaland oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in mashruucaan lagu soo iibinaayey booyadaha ay wasaaradda horay uga codsatay hay’adda GIZ si loo daboolo baahida dadwaynaha magaalada Kismaayo ee dhinaca biyaha.

“booyadahaan maanta wasaaradda lagu wareejiyey bulshada ayaa loogu adeegi doonaa,wax badan bayna ka tari doonaan baahida bulshada Jubbaland”sidaa waxaa warbaahinta u sheegay Cabdirahmaan Maxamed Muxumed,Wasiirka wasaaradda macdanta,tamarta iyo biyaha Jubbaland .

Waa markii ugu horaysay ee gaadiid noocaan ah lagu wareejiyo Wasaaradda Biyaha Jubbaland.