Wasaaradda haweenka Jubbaland oo qabatay kulan looga hadlaayey tacadiyada haweenka

1108

Wasaarada Haweenka, Arimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Jubaland waxa ay wadaa olole ka dhan ah xadgudubyada lagula kaco dumarka sida Gudniinka hablaha yaryar iyo shaqaaqooyinka ka dhaca gudaha Qoyska inta lagu guda jiro cudurka Koroonaha (COVID-19) ayadoo dadka lagu wacyi galinayo in la joojiyo dhamaan noocyada xadgudubka ee loo gaysto haweenka.

Magaalada Kismaayo waxaa galabta lagu qabtay dood cilmiyeed looga hadlayay dhibaatooyinka ay la kulmaan dumarka Soomaaliyeed sida dilka, dhaawaca iyo kufsiga.

Barnaamijka oo ay soo qabanqaabisay Wasaarada oo kaashaneysa Hay’adda United Nations Development Programme – UNDP ayaa waxaa lagu marti qaaday qaar kamid ah shaqsiyaadka udhadhaqaaqa arrimaha haweenka, waxaana goobjoog ka ahaa Agaasimaha guud ee Wasaarada Haweenka, Arimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Jubbaland, Mudane Maxamed Xuseen Maxamed iyo Masuuliyiin kale.

Xubnihii ka qayb galay dooda waxaa ka mid ahaa Sacdiyo Cabdullaahi Jeyte, Maxamed Aamiin, Yaxye Gaataa iyo Cabdiqaadir Cabdi Yare oo ah Agaasimaha waaxda Caruurta iyo Qoyska ee Wasaarada Haweenka Jubaland.