Daa’dad xoogan oo ka dhashay roobab lixaadle oo ka da’ay galbeedka dalka Nigeria ayaa waxaa ku dhintay dad gaadhaya ilaa 45 qof halka ay guryahoodi ka barakaceen dad gaadhaya 226000 qof.
Maalmaha uu roobkaan da’aayey ayaa waxaa fatahaad lixaadle sameeyey webiga Niger River,waxaana dumay guryo badan oo ay daganaayeen dad u dhashay dalka Nigeria .
R’salwasaaraha dalkaas Brigi Rafini ayaa balan qaaday dadaalo wax looga qabanaayo fatahaadaha meelaha ay ka dhaceen iyo in dadka fatahaadaha ku barakacay la caawiyo.
Sanadkii aan soo dhaafnay waxaa dalkaas ku dhinty 57 qof markii fatahaado ka dhashay roobab lixaad ka da’een gudaha dalkaasi Negeria.