Wadahadaladii dalka Mali oo natiijo la’aan ku soo dhamaaday.

1023

Saacaddihii la soo dhaafay Wadahadaladii dalka Mali ee looga gol lahaa xal u helidda ismariwaaga siyaasadeed ayaa ku soo dhamaaday natiijo la’aan.

Qaar ka mid ah Hogaamiyayaasha galbeedka afrika ee wadahadalada kula jira militariga dalkaasi la wareegay ayaa waxay ku baaqayeen in dib xukunka loogu soo celiyo madaxwaynihii xukunka laga tuuray Ibrahim Boubacar Keïta.

Madaxweynihii tallada laga tuuray ayaa diiday in uu ku laabto tallada dalkaasi Maali, waxaana uu sheegay in uusan la shaqeyn karin Ciidanka wadanka qabsaday.

Kooxda wadaxaajoodka ayaa waxaa hogaaminaya madaxwaynihii hore ee dalka Nigeria Goodluck Jonathan.

Col Ismael Wague oo ah Afhayeenka Ciidanka Milatariga ayaa sheegay  in go’aanka ugu dambeeya ee mustaqbalka dalkaasi ay iska leeyihiin dadka reer Mali.

Shacabka ayaa si wayn u soo dhaweyay tallaabada ay xukunka kula wareegeen militariga dalka Mali.