Maamulka degmada Kismaayo oo bilaabay olole nadaafadeed oo soconaya sadex cisho.

1127

 

Olalahaani nadaafada ayey ururada haweenka ee degmada Kismaayo ka sameeyeen shanta xaafadood ee magaalada kismaayo, waxaana olalahaani nadaafada looga goleeyahay in sarre loogu qaado bilicda magaalada.

Goobaha uu ka socday ololaha ayaa  waxaa ka mida ah  wadooyinka waawayn ee isku xidha magaalada Kismaayo oo inta badan dadwaynaha ay ku qabaan qashinka.

Raaxo Sheekh waxaa ay ka mid haweenka maanta ka shaqaynaayey ololaha bilicsoo celinta,waxaa ay iga warantay shaqada ay maanta hayaan.

“maanta waxaan aad ugu farahsanahay in aan qashinka ka gurayno wada laamiga ah ee dhexmarta magaalada,in aan maanta wadankayga u shaqaynaayo oo qoraxda u taganahay sidii aan u qurxin lahaa”sidaa waxaa Radio Kismaayo u sheegtay Raaxo sheikh

Gudoomiyaha degmada kismaayo Ibraahim Maxamed Yuusuf ayaa dhankiisa sheegay in ay garabtaagan yihiin ururka  haweenka ee ka shaqaynaya naafada iyo gurida qashinka,waxaana uu sheegay in ay talaaba ay ka qaadi doonaan dadka  qashinka wadooyinka ku shubo.

“waxaan go’aansanay in sadex maalin ee soo socota magaalada laga sameeyo olole nadafadeed,dadka wadooyinka qashinka ku daadiya waxii maanta ka danbeeya waxaan ka qaadayna talaabo sharci ah “sidaa waxaa dhahay gudoomiyaha degmada Kismaayo Ibraahim maxamed Yuusuf