Galmudug oo sheegtay in uu qabsoomaayo wajiga sadexaad shirka Dhuusamareeb

1036

 

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Shire Falagle  oo waraysi siiyey Radio Kismaayo ayaa sheegay in uu qab soomaayo Shirkii sadexaad ee madaxda dowlada Federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah ku balansanaayeen 15 bishaan ay ku yeeshaan magaalada Dhuusamareeb.

Wasiirka ayaa xusay in aysan jirin wax muujinaya in uu baaqdo shirka loo balansanaa uuna qab soomaayo maalmaha inagu soo aadan,dowlad goboleedka Galmudugna ay isu diyaarisay marti galinta shirka sadexaad ee lagu wado in uu ka dhaco magaalada caaasimada u ah Galmudug.

Dadka falanqeeya Arimaha siyaasada Somaliya ayaa sheegaya qabsoomida shirka Dhuusamareeb in caqabad wayn ku tahay in ilaa hadda madaxtooyada Soomaaliya aysan soo magacaabin R’salwasaare cusub oo fuliya qodobada ka soo baxa shirkaas,Xukuumada hadda  joogtana ay tahay mid  aan haysan sharciyad oo aan awood u lahayn in ay fuliso waxyaabaha la isku raaco.