Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Jubbaland oo qabatay shir Looga hadlaayey waxqabadka Wasaaradda

1151
Cabdullaahi Xussien Kilaas

Wasaarada dhalinyarada iyo Ciyaaraha Jubbaland ayaa qabatay kulan looga hadlaayey waxyaabihii u qabsoomay wasaarada dhalinyarada iyo Ciyaaraha afartii bilood ee la soo dhaafay.

Kulankaan oo uu goob jog ka ahaa wasiirka wasaarada dhalinyarada iyo Ciyaraha Jubbaland Cusmaan Xussen Fayruus oo mudadii uu jiray xanuunka Covied-19 ku xayirnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa wasiir ku xigeenka wasaarada Cabdiqadir Maxamed Faarax iyo Agaasimaha guud ee wasaarada ka dhagaystay shaqooyinkii la qabtay.

Agaasimaha guud ee wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha Jubbaland Cabdirahmaan Cabdi Axmed oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in wasaarada ay qabatay mudadii afarta bilood ahayd ee wasiirka uu xafiiska ka maqnaa shaqooyin wanaagsan,sida in la mideeyey ururada dhalinyarada ee Dhoobley, in la dhameeyey xeerka horumarinta dhalinyarada Jubbaland iyo in wasaarada midaysay xarumaha dhalinyarada ee magaalada Kismaayo.

Wasiir ku xigeenka wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha Jubbaland Cabdiqadir Maxamed Faarax ayaa sidoo kale kulanka ka hadlay waxaana uu sheegay in Madaxda wasaarada iyo shaqaalaha si wanaagsan u wada shaqeeyeen mudadii uu Jiray Xanuunka Corona-viurs.

Wasiirka Wasaarada dhalinyarada iyo Ciyaaraha Jubbaland ayaa Sheegay in uu markii hore u baxay arin cafimaad,Kadibna uu Aduunka kala xidhay Covied-19,Taasina ay keentay in uu shaqada uu ka maqnaado mudo dheer.