Wasaaradda waxbarashada Jubbaland oo qaar ka mida ardayda u fasaxday Iskuulada.

1036

Wasaarada waxbarashada Jubbaland oo ka duulaysa sidii ardayda dugsiyada sarre iyo dugsiyada dhexe  ee Jubbaland u gali lahaayen imtixaanka shahaadiga ah  ayaa dib u fasaxday Iskuulada ilaa 27- bisha Juun ,waxaana iskuulada loo ogolyahay oo kaliya Ardayda Fasalka Afraad ee dugsiga sarre iyo ardayda fasalka sideedaad ee dugsiga dhexe sida uu sheegay Agaasimaha guud ee wasaarada Waxbarashada Jubbaland Axmed Cusmaan Siyaax oo waraysi siiyey Radio Kismaayo.

Ardaydaan ayaa waxaa ay samaynayaan muda Iskuulada loo fasaxay muraajaco ku saabsan casharadii ay soo qaateen intii aan la xidhan iskuulada.

Wasaaradda waxbarashada Jubbaland ayaa horay u xidhay goobaha waxbarashada si looga hortago faafida caabuqa corona-viurs horaantiibishii afraad.