Puntland oo u diyaar garowdey Shirkii uu iclaamiyey Deni.

1047

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdulalahi Deni ayaa dhawaan waxaa uu iclaamiyey in 15 Bishaan Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal lagu qabto Shirka Aaya ka tahiga Puntland,kaas oo u diyaar garoowgiisa haatan la dareemayo.

Shirkaan ayaa waxaa la filayaa inay ka qeyb galaan qaar kamid ah Mas’uuliyiin xilal kala duwan kasoo qabtey Dowladda Federaalka iyo Maamulka Puntland iyo Xildhibaanada labada Aqal ee Puntland ku metela Dowladda Federaalka.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska Puntland Cali Xassan Axmed Sabareey oo ka hadlay Shir ay yeesheen Golaha Wasiirada Puntland ayaa sheegay in la diyaariyey Xarumihii ay degi lahaayeen dadka ka qeyb-galaya shirkaas.

Waxaa uu sheegay in shirka uu noqonayo mid looga tashanayo Aayaha Maamulka puntland,isla markaana ay ka qeyb-geli doonaan saamileyda Siyaasadeed ee deegaannada Puntland.

Dhinaca kale wadooyinka waaweyn ee Magaalada Garoowe waxaa la dhigay Ciidamo ka tirsan booliska Puntland,kuwaas oo amniga siweyn u adkeynaya,waxaana jira howlgallo ay Xaafadaha qaar ka fulinayaan Ciidamada.