DHAGEYSO: Wasaarada Deegaanka Jubbaland oo digniin u dirtay dadka qashinka ku daadiya Xeebaha Kismaayo.

1151

Wasaaradda deegaanka iyo dalxiiska Jubbaland ayaa digniin u dirtay dadka qashinka ku daadiya xeebaha magalada Kismaayo.

Xeebta Xaafadda Calanley ayaa noqotay meesha ugu badan ee lagu daadiyo qashinka laga keeno xaafadaha kala duwan ee magaalada Kisamayo,taas oo saamayn ku yeelatay Bilicda iyo quruxda Xeebta xaafada calanley.

Xeebaha kala duwan ee Ksiamayo ayaa waxaa maal-maha fasaxa u dalxiis taga dad badan oo ku nool magaalada .

Shamsu-diin Maxamed Cali oo ah Isku-duwaha Wasaaradda deeganka iyo dalxiiska Jubbaland ayaa Radio-Kisamayo u sheegay in maanta waxii ka danbeeya ay talaabo adag ka qaadayaan dadka dhibaatada ku haya xeebaha magaalada Kismaayo.

Hoos ka dhagayso Isku-duwaha oo ka hadlaya Ilaalinta Xeebaha