Jubaland oo faafaahisay sababta ay uga qayb gali waayeen shirka garsoorka dalka oo shalay muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay

1119

Gudoomiyaha maxakamada sare ee jubaland cabdi-shakuur sheikh maxamed rashiid ayaa faafaahiyay sababta ay jubaland uga qayb galin shirkii garsoorka dalka ee maalinkii shalay ahaa magaalada muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay .

Gudoomiyaha maxakamada sare ee jubaland mudane cabdi-shakuur sheikh maxamed rashiid  ayaa sheegay in xilligaan iyadoo siyaasado ay isku hayaan jubaland iyo dowlada soomaaliya sababtaasi aysan uga qayb galin shirkaasi oo uu carabaabay in lagu casuumay jubaland sidaana ay uga cudur daaratay.

Shirka garsoorka dalka ayaa ah mid sanadkiiba lagu qabto magaalada muqdisho kaa oo intabadan looga hadlo arimaha garsoorka dalka ayaa waxaa maalinkii shalay ahaa soo xiray madaxweynaha soomaaliya maxamed cabdulaahi farmaajo