Mareykanka oo faah faahiyey duqeyn uu ka fuliyey Jubbada Dhexe

1126

Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa sheegay in laba duqeyn oo ay Khamiistii la soo dhaafay la beegsadeen dhismo ay Al-Shabab ku leeyihiin meel ku dhow deegaanka Jilib ee gobolka Jubada Dhexe ay ku dhaawaceen laba ka mid ah Ururka Al-Shabaab ee halkaasi ku sugnaa.

Qoraal ka soo baxay taliska mareykanka ee Africa kaas oo loo yaqaan AFRICOM, ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada Mareykanka oo kaashanaya kuwa dowladda federaalka Soomaaliya ay degmada jilib ee gobalka Jubbada dhexe laba duqeyn kula eegteen fariisimo ay ku sugnaayeen Al shabaab.

Warka ka soo baxay AFRICOM ayaa lagu cadeeyay in weerarkaasi Al shabaab khasaare kala duwan loogu geystay, waxa uuna Mareykanku sheegay in duqeyntaasi ay ku dileen 1 dagaalame oo ka tirsan Al shabaab halka laba kalane ay ku dhaawaceen.

Waxaa kaloo ay duqeymo la beegsadaan Kooxda Daacish ee ku suganb buuraleyda Gobolka Bari ee Dowlad Goboleedka Puntland.