Kismaayo oo laga hirgalinaayo wadooyin laami ah .

1132

Maamulka Degmadda Kismaayo ayaa dadaal xoogan ugu jira sidii loo hirgalinaayo lix iyo Toban Waddo oo laami ah oo laga hirgalinayo magaalada Kismaayo.

Mashruucaan ayaa waxaa dhaqaalihiisa bixinaaya Bank Aduunka ,iyadoo Mashruucaan laga fulinaayo Ilaa sadex Magaalo waawayn oo ay ka mid yihiin Kismaayo,Muqdisho,Baydhabo iyo Garowe.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ay leedahay hal waddo oo kaliya ,taas oo Xidhiidhi badan ay ku qaban gadiidka kala duwan magaalada Kismaayo.

Gudoomiyaha degmada kismaayo ibraahim maxamed yuusuf ((tima jilic))oo uwaramay radio kismaayo codka jubbaland ayaa sharaxaad guud ka bixiyay qorshahan lagu hirgalinayo 16ka wado oo ay yeelanayso magaalada ksimaayo.

“Ilaa sideed waddo ayaa la dhisayaa wajiga 1-aad,dhaqaalihii lagu dhisaayeyna waa diyaar”sidaa waxaa dhahay Gudoomiyaha degmadda Kismaayo.

Gudoomiyaasha  ayaa sidookale ka hadlay goorta uu qorshahan soo bilowday iyo marxada haatan uu marayo.

“Mashruucaan waxaa uu si rasmiya u bilaabanayaa bisha soo socota oo la bilaabaya”

Ibraahim Maxamed Timajilic Duqa Degmada Kismaayo ayaa sheegay in wadada halbowlaha u ah magaalada aysan ku jirin qorshaha lagu hirgalinayo 16ka wado balse ay doonayaan in culayska gaadiidka laga yareeyo .

“Waxaan ugu baaqaya dadka gadiidka iska leh in aysan culays xad dhaaf ah la saariin gadiidka “