Ciidamadii Jubbaland ee dowladda Federaalka ka diiwangalisay gobolka gedo oo dib uga mid noqday Ciidamadda Jubbaland.

1227

Aadan Cabdullahi Xassan oo darajadiisa Ciidanka ay tahay sadex xidigle oo hogaaminaya Ciidan gaadhaya 120 Askari sida uu u sheegay Idaacadda Radio Kismaayo ayaa isaga iyo Ciidankiisa waxaa ay dib uga soo laabteen ciidamadii dhawaan dolwadda Federaalka ay ka diiwan galisay degmooyinka Gobolka Geddo sida Bladxaawo ,luuq iyo dolow .

Sadex Xidigle Aadan Cabdullahi Xassan ayaa sheegay markii ay arkeen kala qaybinta iyo iska horkeenka Bulshadda gobolka Geddo ee ay waddo dowladda Federaalka Soomaliya iyo Burburinta Nidaamka dowladnimo ee Jubbaland in ay go’aansadeen in ay dib uga noqdaan go’aankii hore ay u qaateen ,maanta laga bilaabana ay yihiin ciidan ka tirsan oo hoostaga dowlad goboleedka Jubbaland,dibna ay ula midoobayaan saxiibadoodii ciidamadda daraawishta

Sarkaalkaan oo isaga oo Jooga degmadda Luuq la hadlay Idacada Codka Jubbaland ayaa sheegay in Ciidanka la marin habaabiyey oo la sameeyey balan-qaadyo been ah .