Xaalada deegaanka buurgaabo oo kamid ah deegaanada Jubaland ayaa waxaa xilligaan ka jirto baahi dhinaca waxbarashada sida uu radio kismaayo u xaqiijiyay gudoomiyaha deegaanka buurgaabo ayuub Axmed Maxamed.
Gudoomiyaha ayaa dhanka kale carabaabay in deegaanka xilligaan ay kajirto biyo la’aan baahsan waxaana dowlad goboleedka jubaland uu ka codsaday in dadka deegaanka xilligaan la sooo gaaro gar-gaar bani’aadanimo.
dhanka kale gudoomiyaha oo aan wax ka weydiinay xaalada caafimaad ee deegaanka ayaa waxa uu sheegay in xaalada caafimaad ee deegaanka ay aad u wanaagsan tahay waxaana dhinaca kale gudoomiyaha uu carabaabay kadib codsi ay udireen dowlada ay sahashay in baahida caafimaad ee deegaanka laga soo jawaabay oo haatana marka la eego xaalada caafimaadka deegaanka ay aad u wanaagsan tahay.
Maadaxda iyo masuuliyiinta wasaaradaha kale ee jubaland ayuu markale gudoomiyaha uu ugu baaqay in ay kormeer iyo qiimeyn kusameeyaan xaalada deegaanka si ay ugu sahlanaanto xogta iyo baahida dhabta ee kajirta deegaanka taasi oo ah masuuliyad kasaaran wax uqabashada dadka deegaankasi.