Baarlamaanka Ciraaq oo ansixiyay qorshe ciidamada Shisheeye looga saarayo dalkaasi

1142

Baarlamanka Ciraaq ayaa maanta oo Axad ah u codeeyay qaraar dalkaasi ka mamnuucaya joogitaanka ciidamada Shisheeye oo ay kamid yihiin kumannaa ka socda Mareeykanka.

Jimcihii ayay ahayd markii ay xiisado siyaasadeed ka baxeen gobolka kadib markii Suleybaan lagu dilay duqeeymo cirka ah oo ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka Mareeykanka.

Fadhigga Baarlamanka ee maanta looga dooday arrimahaa waxaa hogaaminayay Raysul wasaaraha xilka kasii dagaya Caadil Cabdul Mahdi, kaasoo is casilay kadib dibadbaxyo ka dhacay dalkaasi balse kursiga kusii fadhin doona ilaa inta laga badalayo.