Guinea-Bissau oo Madaxweyne u dooratay Ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaas.

1051

Dadka dalka Guinea-Bissau ayaa doortay Madaxweyne cusub kaas oo horay dalka uga soo noqday Ra’isalwasaare.

Ra’isalwasaarihii hore ee dalkaas Umaro Cissoko Embalo oo 47 jir ah ayaa ku guuleystay doorasho kala bax ahayd oo ay isugu soo hareen isaga iyo ra’isalwasaare hore oo isna tartamayay.

Umaro Cissoko Embalo ayaa helay 54% codadka dadka dalkaasi ay dhiibteen halka ninka ay aadka isu hayeen Domingos Simoes Pereira uu helay 46%.

Pereira, oo ah ninka laga guuleystay ayaa sheegay in natiijada doorashada ay ahayd mid lagu shubtay waxaana uu meesha ka saaray in ay dhacday doorasho xalaal ah.

Embalo, ayaa ololaha doorashada ku galay in uu xal kama dambeys ah ka gaarayo colaaddii ka dhalatay afgambigii 1974 ka dhacay dalkaas ee kala qeybiyay dadka dalka Guinea-Bissau .

Madaxweynaha Xafiiska baneynaya Jose Mario Vaz, ayaa ku haray wareegga 1aad ee doorashadii dhacday Bishii Novemver ee sanadkii la soo dhaafay waxaana hadda u dhiman in uu talada ku wareejiyo madaxweynaha la doortay.

Jamhuuriyada Guinea-Bissau ayaa dhacda Galbeedka Qaarada Afrika waxa ayna xornida qaadatay sanadkii 1973,sidoo kale waxa ay horay uga mid aheed Boqortoodayii Gabu.