Safarka Nabadda Q-sedexaad oo looga hadlay caqabadaha saameynta ku leh dhallinta

1287

Barnaamijka todobaadkan oo ay marti ku ahaayeen Axmed Maxa’ed Taqal Gudoomiyaha ururka dhalinyarada gobolka J/hoose iyo Aamin Cabdi Cali oo u dhaqdhaqaaqda arimaha dhalinyarada islamarkaana ah macallimad, ayaa diiradda lagu saaray caqabadaha saameynta ku leh dhalinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Jubbaland.

Gudoomiyaha Axmed Taqal ayaa sheegay in saameynta ugu badan ay dhalinyarada ku leedahay shaqo la’aanta, Amniga, gaar ahaan isu socodka degmooyinka dalka oo aan xor ahayn iyo nidaamka awood-qeybsiga dalka ee 4.5-ka, kaasoo uu sheegay in uu kamid yahay caqabadaha nijabjabka ku rida dhalinyarada.

Aamin Cabdi Cali ayaa ku baaqday in madaxda dowladda ay xoogga saarto in ugu horeeyn la tayeeyo waxbarashada dalka, islamarkaana la dhiirigeliyo dhalinyarada hal-abuurka leh.

Hoos ka dhageeyso Barnaamijka;