Qaar ka mid ah jaamacadaha Muqdisho iyo jaamacada Kismaayo oo sameystay Iskaashi wada shaqayn

1457

Munaasabadaan waxaa qabtay maamulka Jaamacadda Kismaayo, muhiimadeeduna waxay ahayd in lagu soo dhoweeyo maamulka Jaamacadda Muqdisho oo Kismaayo kusoo gaaray booqasho gaaban.

Maamulka Jaamacadda Kismayao ayaa magaalada Kismaayo ku marti qaaday Guddoomiyaha Jamaacadda Muqdisho Dr. Ibraahim Maxamed Mursal iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Jaamacadda Muqdisho.

Guddoonka labada Jaamacadood ayaa yeeshay kulamo looga hadlay sidii ay labada Jaamacadood u yeelan lahaayeen iskaashi islamarkaana ay u wada shaqayn lahaayeen.

Qodobada ugu muhiimsan ee ay ka wada hadleen maamulka Jaamacadaha Kismaayo iyo Muqdisho ayaa waxaa kamid ah in ay si dhow u wada shaqeeyaan labada Jaamacadood, in la mideeyo manhajka ay ku bartaan ardeyda, in ay is dhaafsadaan ardeyda iyo macallimiinta iyo qodobo kale oo muhiim u ah labada dhinac.

Guddoomiyaha Jamaacadda Muqdisho Dr. Ibraahim Maxamed Mursal ayaa ka mahadceliyey qaabka ay Kismaayo ugu soo dhoweeyeen maamulka Jaamacadda Kismaayo wuxuuna sheegay in ay is afgarad ka gaareen dhammaan arrimahii ay ka wada hadleen.

Guddoomiyaha Jaamacadda Kismaayo Maxamed Bile Xaashi ayaa dhankiisa sheegay in maamulka Jaamacadda Kismaayo uu diyaar u yahay in uu wada shaqayn iyo iskaashi la yeesho Jaamacadda Muqdisho.

Iskaashiga iyo wada shaqaynta Jaamacadaha Kismaayo iyo Muqdisho ayaa ardeyda u dhigata labada Jaamacadood u sahleysa in ay sameeyaan is-dhexgal iyo is-dhaafsi cilmi