Wasaarada waxbarshada Dowlad Goboleedka jubbaland oo agab Sheebaaro gaarsiisay qaar ka mid ah iskuulaadka kismaayo

1280

Agabkaani ay wasaarada waxbarashada Dowladgoboleedka jubaland ay Udaahfurtay afar kamid ah dugsiyada waxbarasho ee magaaladakismaayo ayaa Isugu jiray Sheeybaaro iyo agab kale ee wax lagubaaro, kuwaa oo ardeyda ka Caawin doona waxbarashadooda.

Wasaarada waxbarashada Jubbaland ayaa suurogelisay  in qalabkan la Gaarsiiyo afar kamid ah iskuulaadka magaalada, oo aan hore u heeysan Sheeybaaro ay wax kubartaan Ardeydad  Dugsiyada sare dhigata

Munaasabada lagu daah furay agabkani waxaa ka soo qayb galay wasiir ku Xigeenka  wasaarada waxbarashada dowlad gobaleedka Jubbaland axmed cabdirisaaq handal, xubno kasocday laba hay adood ee UNHR  IYO MERCY CORPS  oo wasaaradda gacan kasiiyay sidii qalabkan loo helilahaa iyo maamuleyaasha Iskuulaadka qalabka la gudoonsiiyay.

Wasiir kuxigeenka wasaarada waxbarashada  Dowlad Goboleedka Jubbaland mudane Axmed abdirisaaq  handal oo ugu horeyn kahadlay madasha ayaa sheegay  in   qalabka shaybaarka uusan ku e kaan doonin dugsiyada kismaayo oo kaliya balse la qorsheenayo in dhammaan dugsiyada waxbarasho Jubbaland lagagaarsiiyo, waxaa kale uu sigaar ah  oo ugu mahadceliyay madaxwenaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland mudane Axmed maxamed islaam oo uu shegay in la aantiisa ysan suurogelinlahayn qalabkaan aad hesheen