Madaxweynaha soomaaliya oo la kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

1204

Madaxwenaha jamhuuriyada soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa magaalada Addis Ababa ee dalka Ethoobia shir kula yeeshay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guiteres.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqeynta Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay iyo sida ay usii laba jibaari laheyd qaramada midoobay taageerada ay siiso soomaaliya.

waxaa la isku raacay in qaramada midoobay ay si dhaqsi ah u soo magacowdo wakiilkooda soomaaliya, kaasi oo la doonayo sida la sheegay in si hoose ula shaqeeyo dowladda soomaaliya.

Shir Madaxeedka Midowga Afrika ayaa maanta ka furmaya magaalada Addis ababa ee dalka itoobiya kaasi oo diiradda lagu saarayo sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatada qaxootiga iyo barakacaayasha Qaaradda Afrika ay la kulmaan iyo sidii gacan looga geysan lahaa wax ka qabashada dhibaatooyinka nololeed ee ku xeeran.

Madaxweynaha soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hadal-jeedin ku leh shirka waxuuna khudbadiisa diiradda ku saarayaa xal-u-helidda iyo maaraynta qaxootiga iyo barakacayaasha ku dhibaataysan dalalka Afrika, gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed ee ku sugan dalalka deriska ah, isaga oo soo bandhigi doona qorshaha dowladda ee ku aadan arrintan.