
Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Generaal Daahir Aadan Cilmi Indhoqarshe ayaa ku dhawaaqay howlgal Ballaaran oo dhawaan ka bilaaban doona guud ahaan Soomaaliya.
Taliyaha ayaa sheegay in u jeedada ugu weyn ee howlgalkaan ay tahay in ay gacanta ku dhiggaan degmooyinka ay Maamulaan Maleeshiyaadka Al-Shabaab ee Gobolada Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in ay isku furi doonaan wadooyinka ay go’doomiyeen Al-Shabaab, islamarkaana uu qorshuhu yahay in dhammaan Maleeshiyaad Al-Shabaab laga saaro gobolada dalka.