Fafaahin dheeraad ah oo ka soo baxaya weerarkii degaanka baarsanguuni ee gobolka jubada hoose

1253



Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa ka hortagtay weerar ay kusoo qaadeen Malleeshiyaadka Al-shabaab saldhiga ciidamada Jubbaland iyo kuwa SNA ay ku leeyihiin deegaanka Baarsanguuni

Weerarkaan oo saaka galinkii hore  ay soo abaabuleen Malleshiyaadku  ayaa waxa ka hortagay isla markaana fashiliyey ciidamada dowlad gobaleedka Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka.

Malleeshiyaadka ayaa isku dayey inay xarunta kusoo galaan qaraxyo balse ciidamada oo ka war qabay weerarkaan isla markaana heegan ugu jirey sidii ay u fashilin lahayeen ayaa qarxiyey mid kamid ah gawaaaridii ay ugu talagaleen inay xerada ku galaan.

Cidamadu waxaa ay sidoo kale gacanta ku dhigeen gaari ay kasoo buuxiyen Malleeshiyaadka Alshabaab walxaha qarxa kaas oo ay Nabadiidku ugu

talagaleen inay ku burburiyaan buundada baarsanguuni oo dhawaan dowlad goboleedka Jubbaland ay dhistay burburkiii dalka kadib.

Waxaa hadda socda howlgalo lagu xaqiijinayo ammaanka iyadoo sido kale ciidamadu ay ku daba jiraan firxadka Malleeshiyaadkii weerarka soo qaaday kuwaas oo rabay inay dhibaato u geystaan shacabka Soomaliyeed ee ku dhaqan deegaanada waqooyi ee magaalada Kismaayo.

Sarreeye guuto Aadan Goojaar Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ayaa noo xaqiijiyey khasaaraha la gaarsiiyey Malleeshiyaadka Al-shabaab.

Taliyaha ayaa sheegay in 52 kamid ah Malleeshiyaadka Al-shabaab lagu diley weerar dhanka cirka ah.

Taliyaha ayaa intaa ku daray in 25 kalana lagu diley dagaalkii saakay ay kusoo qaadeen furumaha hore ee ciidamada dowlad gobaleedka Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka ay ku leeyihiin Baar sanguuni.

Tirada guud ee dhimashada Argagixisada ayaa noqoneysa 77  waana khasaarihii ugu darnaa ee la gaarsiiyo Al-shabaab Muddooyin ka dib