Wafdiga Aqalka sare oo la kulmay ururada bulshada Jubbaland [Sawirro]

1404

Shirkii 3-xaad ee Guddoomiyaha Aqalka sare iyo wafdigiisa ay la qaataan qaybaha kala duwan ee Jubbaland ayaa maanta ka qabsoomay guriga Martida Jubbaland, wuxuuna Guddoomiyahu la kulmay ururada bulshada rayidka ah.

Wafdiga Aqalka sare ayaa shirkii ugu horeyay La qaatay Madaxda Jubbaland sida Madaxweynah iyo ku-xigeenada, golaha Baarlamaanka iyo Wasiirada, sidoo kale wuxuu shirkii labaad la qaatay Odeyaasha dhaqanka.

Shirkaan maanta waxaa ka qeyb galay Ganacsato, Dhalinyaro, Haween Aqoonyahano iyo xubno ka socday Jaamacadaha magaalada Kismaayo, kasoo qaybgalayaasha ayaa shirka ka dhiibtay aragtidooda ku aadan xallinta khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada dalka.

Gudoomiayah Aqalka Cabdi Xaashi Cabdullahi  ayaa shirkii bulshada rayidka ee maanta ka sheegay in kulamadii uu la qaatay madaxda Jubbaland iyo Saladiinta Dhaqanka in ay ahaayeen kuwo mira-dhal ah islamarkaana Jubbaland uu kala kulmay soo dhoweyn ballaaran.

Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud Madaxweyne kux-igeenka labaad ee Jubbaland ayaa sheegay in Jubbaland ay diyaar u tahay in la xalliyo khilaafaadka kasta islamarkaana ay ku qanacsan yihin dhexdhexadinta Aqalka sare ay wadaan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Aqalka sare ee Dalka  Cabdi Xaashi Cabdullaahi  ayaa aad u bogaadiyay sida Jubbaland ay uga go’an tahay in la gaaro xal waara oo dadka iyo dalka dan u ah.

Qaar kamid dadkii ka qeyb galay shirkaan ee ka socday ururada bulshada ayaa markuu soo dhamaaday waxaan wax ka weydiinay aragtidooda shirka iyo caqabadihii uu sababay khilaafka labada dhinac ayaa ku taliyey wada-hadal iyo isla xisaabtan furan lagu dhameeyo dhammaan qodobada la isku hayo.