Afhayeenka Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada Cabdullaahi Sheekh Xasan oo Shir Jaraa’id ku qabtay Magalada Garoowe ee Gobolka Nugaal ayaa jawaab ka bixiyay qoraalkii ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya.
Wasiirka Dastuurka Koonfur Galbeed ahna Afhayeenka Golaha ayaa waxa uu sigaar ah uga hadlay qoraalkii wasaradda arrimaha Gudaha Maamul Goboleedyada uga dalbatay inay doorashooyinka ku dhacaaan waqtigii loogu talo galay sida Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Puntland.
Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa sheegay in doorasho ay sameeyaan Maamul goboleedyada aysan aheyn wax Cusub,isla markaana dhowr doorasho ay ka dhaceen Puntand si lamid ahna uga dhici doonaan waqtigooda dowlad Goboleedyada kale.
Sidoo kale waxa uu sheegay in weli dowladda Federalka Soomaaliya culeys Siyaasadeed ku hayso Dowlad Goboleedyada,isaga oo ugu baaqay inay ka deyso culeyskaas hadii aysan waxba u qabaneyn.
Afhayeenka Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ayaa waxa uu soo hadal qaaday hadalkii dhawaan Madaxweyne Farmaajo ee ahaa in Golaha wasiirada uu ka dalbanayo ansixinta Sharciga Xisbiyada dalka,waxaana uu sheegay in Xisbi ay Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha isku jiibayaan in Soomaaliya uusan xukumeyn.
Ugu dambeyn waxa uu sheegay in qodobadaan iyo kuwo kale ay ka soo bixi doonaan Shirka Garoowe uga socda Dowlad Goboleedyada.
Hoos Ka Dhageyso Codka Cabdullaahi Sheekh Xasan.