Agaasimaha waaxda Qorsheynta madaxtooyada jubbaland oo ka hadlay Qorshaha lagu xalinayo Masuuliyiinta...

Agaasimaha waaxda Qorsheynta madaxtooyada jubbaland oo ka hadlay Qorshaha lagu xalinayo Masuuliyiinta Maamulka Degmada Baardheere

144
0
SHARE

Madaxwene ku
xigeenka koobaad ee dowlad goboleedka jubbaland mudane maxamuud sayid aadan iyo
wafdi uu hogaaminayo ayaa wali ku sugan degmada Baardheere iyagoo degmadaa  u jooga sidii ay u xalin lahaayeen khilaaf soo
kala dhexgalay  masuuliyiinta ugu sareysa
hogaanka maamulka

Agaasimaha waaxada
qorshenta madaxtooda jubbaland  Cabdicasiis  maxamed xasan oo la hadlay radio kismaayo
codka jubbaland ayaa waxa uu sheegay in degmada laga wado kulamo gaar ah oo lsikugu
keenayo masuuliyiinta is khilaafsan 

Agaasimaha ayaa
intaa ku daray in ujeedka madaxwene ku xigeenka jubbaland Mudane maxamuud sayid
aadan uu u tagay degmada baardheere ay tahay sidii Loogu guuleysan lahaa
khilaafka ka dhex jira maamulka degmada

Madaxwene ku
xigeenka koobaad ee dowlad goboleedka jubbaland ayaa maalmihii u dambeyay waxa
uu kulamo kala duwan laqadanayay odayaasha iyo Waxgaradka degmooyinka gobolka
gedo taa oo ku aadaneed sidii loga qeeb Qadaan lahaa  sugida amniga iyo hormarinta degmooyinka

LEAVE A REPLY