Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka Jubbaland oo xilka ukala wareejiyay isku-duwihii hore ee caafimaadka gobolka Jubbada hoose iyo kan cusub.

0
6
Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada dowladda Jubaland, Mudane Abshir Maxamed Cabdi, oo uu wehliyo agaasimaha guud ee Wasaaradda, Mudane Maxamed Xuseen Maxamed, ayaa ka qeyb galay munaasabad xil-wareejin ah oo uu xilka kula wareegay Isku-duwaha cusub ee Caafimaadka Gobolka Jubbada Hoose, Mudane Cabdifitaax Axmed Maxamed, oo ay dhawaan magacaawday Wasaaradda.
Munaasabadda ayaa xilka kula kala wareegay Isku-duwaha cusub iyo isku-duwihii hore ee gobolka, Mudane Cabdirisaaq Siciid Jaamuus, kaas oo soo bandhigay waxqabadkii iyo horumarkii laga sameeyey xafiiska muddadii uu xilka hayey.
Intii ay munaasabaddu socotay, masuuliyiinta ka qeyb galay ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay xoojinta wada-shaqeynta iyo isku-dubbaridka howlaha caafimaadka, si loo horumariyo tayada iyo helitaanka adeegyada caafimaadka ee bulshada Gobolka Jubbada Hoose.
Munaasabadda kaddib, masuuliyiintu waxay kormeer ku sameeyeen bakhaarka kaydka iyo qeybaha kala duwan ee Xafiiska Caafimaadka Gobolka Jubbada Hoose, iyagoo u kuurgalay habsami-u-socodka shaqada iyo howlaha ka socda xafiiska.
Dhanka kale, Mudane Cabdirisaaq Siciid Jaamuus ayaa loo magacaabay Madaxa Kaydka Tallaalka Jubaland, isaga oo dhawaan xilka kala wareegi doona masuulka xilkaas haya.