Wasiirka tamarta iyo kheyraadka biyaha Jubbaland oo xarunta wasaaradda ku qaabilay wafdi ka socday ECHO iyo UNICEF

0
8
Wasiirka wasaaradda tamarta iyo Kheyraadka biyaha dowladda Jubaland, H.E Ahmed H. Baraki ayaa xarunta Wasaaradda ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday deeq-bixiyaha 𝗘𝗖𝗛𝗢 iyo Hay’adda UNICEF Somalia.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta, horumarinta adeegyada biyaha iyo baahiyaha mudnaanta leh ee Jubaland.
Wasiirka ayaa ECHO iyo UNICEF uga mahadceliyey maalgelinta iyo taageerada farsamo iyo doorka ay ku leeyihiin horumarinta adeegyada biyaha.
Intii ay booqashadu socotay, wafdiga ayaa sidoo kale booqday deegaanka Luglow, halkaasi oo ay Wasaaraddu 2024 ka hirgelisay mashruuc biyo-gelin ah oo ay maalgelisay ECHO, taageero farsamana ka heshay hay’adda UNICEF.
Mashruucan ayaa bulshada u suurtageliyey helitaanka biyo nadiif ah, isla markaana yareeyey ku-tiirsanaantii biyo-dhaaminta degdegga ah (Water Trucking).
Wasaaraddu waxay sii wadi doontaa dadaallada lagu horumarinaayo tayada iyo helitaanka adeegyada biyaha.