Wasiirka amniga Jubbaland oo furay barnaamijka dib-u-eegista qorshaha istaraatiijiyadda Booliska

0
11
Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Jubbaland, Sareeye Gaas Yuusuf Xuseen Cismaan Dhumaal, ayaa maanta si rasmi ah u furay barnaamijka dib-u-eegista iyo cusboonaysiinta qorshaha istaraatiijiyadda Booliska Dowladda Jubbaland.
Barnaamijkan oo socon doona muddo shan maalmood ah, laga bilaabo 13-ka ilaa 17-ka Oktoobar 2026, ayaa diiradda lagu saarayaa dib-u-eegista qorshaha istaraatiijiyadeed ee Booliska Jubbaland iyo cusboonaysiinta jihooyinka lagu horumarinayo shaqada ciidanka.
Furitaanka barnaamijka waxaa ka qeyb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Dowladda Jubbaland, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha, saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Jubbaland, culimada iyo wakiillo ka socda ururrada bulshada.
Barnaamijkan ayaa ujeeddadiisu tahay in dib loo eego qorshaha istaraatiijiyadeed ee booliska, lana waafajiyo baahiyaha amniga iyo mudnaanta horumarinta hay’adaha amniga, iyadoo sidoo kale la xoojinayo wada-shaqeynta booliska iyo bulshada.
Dib-u-eegista qorshahan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo qorsheynta iyo habsami-u-socodka shaqada Booliska Dowladda Jubbaland, si loo helo qorshe istaraatiijiyadeed hagaya howlaha ciidanka iyo horumarinta adeegyada amniga.