
Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Jubbaland, Sareeye Gaas Yusuf Xuseen Cismaan Dhumaal, oo ay weheliyaan xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Dowladda Jubbaland iyo Xildhibaan Maxamed Cusmaan oo ka tirsan Golaha Wakiillada Dowladda Jubbaland, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay deegaanka Buulo Gaduud ee Gobolka Jubbada Hoose.
Kormeerka ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta dayactirka lagu sameeyay xerada ay si wadajir ah ugu sugan yihiin ciidamada Daraawiishta Dowladda Jubbaland iyo Guutad 11aad ee Qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Wafdiga ayaa soo indha-indheeyay howlaha dayactirka iyo hagaajinta kaabeyaasha xerada, kuwaas oo loogu talagalay in lagu horumariyo goobaha ay labada ciidan ku sugan yihiin, isla markaana lagu abuuro jawi ku habboon gudashada waajibaadkooda shaqo.
Sidoo kale, wafdigu wuxuu qiimeeyay xaaladda guud ee xerada iyo baahiyaha la xiriira horumarinteeda, iyadoo la tixgelinayo muhiimadda ay leedahay iskaashiga iyo wada-shaqeynta ciidamada Daraawiishta Jubbaland iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Dowladda Jubbaland ayaa dadaal ku bixinaysa horumarinta kaabeyaasha hay’adaha amniga iyo hagaajinta goobaha ay ciidamada ku howlgalaan, taas oo qeyb ka ah qorshayaasha lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida Gobolka Jubbada Hoose.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







