
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo ku qabatay munaasabad lagu xusayay Maalinta Caafimaadka Dhimirka Adduunka, oo sanad walba la xuso 10-ka Oktoobar, iyadoo ujeeddadu tahay kor u qaadista wacyiga bulshada, dhiirrigelinta daryeelka caafimaadka dhimirka iyo xoojinta taageerada loo fidiyo dadka la nool xanuunnada dhimirka.
Munaasabadda waxaa ka soo qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Jubbaland, Mudane Ismaaciil Axmed Garas, Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka, Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka, Agaasime-waaxeedyada, madax-qaybeedyada Wasaaradda, madaxda xarumaha caafimaadka dhimirka iyo wakiillo ka socday hay’adaha bahwadaagta la ah Wasaaradda.
Xuska sanadkan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray mowduuca “Dhageysiga Waayo-aragnimada Dadka ay Saameeyeen Xanuunnada Dhimirka: Qisooyin Dhab ah iyo Casharro laga Bartay.” Mowduucan ayaa muhiimad gaar ah siinayay dhageysiga waayo-aragnimada dadka la nool xanuunnada dhimirka, fahamka caqabadaha ay la kulmaan iyo sidii bulshada loogu dhiirrigelin lahaa inay muujiyaan naxariis, faham iyo taageero.
Intii ay munaasabadda socotay, masuuliyiinta iyo ka qaybgalayaasha ayaa si qoto dheer uga hadlay caqabadaha hortaagan helitaanka adeegyada caafimaadka dhimirka, baahida loo qabo ballaarinta iyo tayeynta adeegyada, kor u qaadista wacyigelinta bulshada iyo la dagaallanka takoorka iyo faquuqa ay la kulmaan dadka qaba xanuunnada dhimirka.
Sidoo kale, waxaa la adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo qorshayaal iyo dadaallo wadajir ah oo lagu xaqiijinayo in dadka u baahan daryeelka caafimaadka dhimirka ay helaan adeegyo tayo leh, la awoodi karo, isla markaana dhowraya karaamadooda iyo xuquuqdooda.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







