Wasiirka beeraha Jubbaland iyo hay’ada FAO oo ka wada hadlay dardargelinta qorshayaasha horumarinta beeraha iyo waraabka.

0
3
Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Jubbaland, Mudane Geelle Muxumed Aaden, ayaa xarunta Wasaaradda ku qaabilay Wafdi ka socday Hay’adda FAO Somalia, iyadoo labada dhinac ay yeesheen kulan muhiim ah oo looga hadlay dhamaystirka qorshayaasha horumarinta beeraha iyo waraabka ee sanadka 2026, dardargelinta mashaariicda ay wada shaqeynta u leeyihiin Wasaaradda iyo FAO, iyo xoojinta iskaashiga dhinacyada beeraha iyo waraabka.
Kulanka waxaa goob-joog ka ahaa Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Jubbaland, Mudane Ugaas Ali Aadan Sokor, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Jubbaland, Mudane Maxamed Mursal Xirsi, kuwaas oo ka qeyb qaatay wadahadallada iyo qorsheyaasha lagu dardargelinayo horumarinta beeraha iyo waraabka.
Kulanka waxaa sidoo kale lagu ansixiyay qorshe-hawleedka mashruuca SURHDT (AfDB – Doolow Durable Solutions), kaas oo qaybtiisa beeraha ay si wadajir ah u fulin doonaan Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Jubbaland iyo Hay’adda FAO Somalia.