
Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Dowladda Jubaland ayaa magaalada Kismaayo ku soo gabagabaysay tababar ku saabsanaa Kor-u-qaadista Aqoonta Garyaqaannada ee Habraaca iyo Marxaladaha Dacwadda Ciqaabta, kaas oo uu soo jeediyay Xeer-ilaaliye Cabdishukri Maxamuud Maxamed (Golos).
Tababarka oo ka qabsoomay Hoolka Shirarka ee Wasaaradda ayaa si rasmi ah u soo xiray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdullaahi Cabdulqaadir Aadan (Qaanuuni).
Tababarada noocan ah ayay Wasaaraddu u qabataa in lagu xoojiyo aqoonta, xirfadaha iyo fahamka garyaqaannada ee habraacyada iyo marxaladaha kala duwan ee dacwadaha ciqaabta, si kor loogu qaado tayada adeegyada caddaaladda iyo ku-dhaqanka sharciga.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







