Dowladda Jubbaland ayaa dhistay boqolaal guri oo loogu talagalay qoysaska danyarta ah iyo dadka Soomaaliyeed ee kasoo laabtay xeryaha qaxootiga ee dalalka dariska ah, gaar ahaan Kenya.

0
3

Dowladda Jubbaland ayaa dhistay boqolaal guri oo loogu talagalay qoysaska danyarta ah iyo dadka Soomaaliyeed ee kasoo laabtay xeryaha qaxootiga ee dalalka dariska ah, gaar ahaan Kenya.

Mashruucan oo laga fulinayo duleedka magaalada Kismaayo ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda ee lagu taageerayo qoysaska nugul, iyadoo la doonayo in dadka ka faa’iideysanaya ay helaan guryo ammaan ah iyo deegaan ay si wanaagsan ugu noolaadaan.

Qorshahan ayaa sidoo kale muhiim u ah dib-u-dhexgalka dadka soo laabtay, kuwaas oo muddo ku noolaa xeryaha qaxootiga, si ay dib ugu dhistaan noloshooda una helaan fursad ay uga mid noqdaan bulshada deegaanka.

Dhismaha guryahan ayaa ka taraya wax ka qabashada baahida hoyga, gaar ahaan qoysaska danyarta ah iyo dadka nugul, iyadoo Dowladda Jubbaland ay mudnaanta siinayso horumarinta adeegyada bulshada iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.

Dowladda Jubbaland waxay sheegtay in horumarinta kaabeyaasha iyo adeegyada bulshada ay ka mid yihiin mudnaanteeda muhiimka ah.

Dowladda Jubbaland ayaa horey u hirgelisay mashaariic guryo loogu dhisay dadka kasoo laabtay xeryaha qaxootiga, gaar ahaan duleedka Kismaayo, taas oo muujinaysa in qorshahan uu yahay dadaal soo socday oo lagu taageerayo dib-u-dejinta iyo dib-u-dhexgalka dadka soo laabtay
Guryahan oo dhawaan la soo gabagabeeyay ayaa ah qeyb ka mid ah qorshayaal hore oo Dowladda Jubbaland uga hirgelisay duleedka Kismaayo, kuwaas oo qoysas loogu dhisay laguna wareejiyay, si ay uga gudbaan xaaladaha nololeed ee adag ee ay ku jireen.