
Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Dowladda Jubaland, Mudane Ahmed Hussein Baraki, oo ay wehliyaan Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Biyaha Jubaland, Mudane Mohamed Nunow, iyo maamulka Shirkadda biyaha Jubba, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xarumaha kala duwan ee ay shirkadu ka fuliso howlaha adeeg-bixinta biyaha ee magaalada Kismaayo iyo deegaanada ku teedsan.
Intii uu socday kormeerka, masuuliyiintu waxay booqdeen:
‣ deegaanka Haadweyne oo qiyaastii 25KM u jira magaalada Kismaayo.
‣ xarun laga hirgelinaayo ceelal cusub si loo ballaarinayo adeegyada biyaha.
‣ Xarunta Booster Pump-ka.
‣ halka ay ka socoto rakibaadda tuubooyin cusub oo loogu talagalay in loo isticmaalo keyd ahaan marka ay cilad ku timaado tuubooyinka hadda shaqeeya (backup pipeline).
‣ iyo xarunta weyn ee kaydka biyaha ee Shirkadda Jubba.
Ugu dambeyn, Kormeerkan oo ahaa mid diiradda lagu saaraayay habsami usocodka howlaha biyaha ee shirkada iyo tayada adeegyada ay bulshada u hayso, ayaa kusoo idlaaday si guul ah.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







