Madaxweynaha dowladda Jubbaland oo hambalyo iyo bogaadin udirey ardayda Jubbaland ee kaalmaha hore ka galay imtixaanka dugsiga sarre ee qaranka .

0
3
Madaxwaynaha Jubbaland oo Hamblayo Iyo Bogadin U diray Dhamaan Ardaydii Kaalmaha Hore Kagalay Imtitxaanka Shahaadiga Ee Dugsiyada Sare Ee Dalka.
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan ardayda Soomaaliyeed ee ku guuleystay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Sare, gaar ahaan ardayda reer Jubaland ee sanadkan ka gaaray natiijooyin wanaagsan.
Waxaan si gaar ah ugu hambalyeynayaa saddexda arday ee reer Jubaland ee ka mid noqday ardayda kaalmaha ugu sarreeya ka galay guud ahaan dalka, oo kala ah Farxiya Faarax Omar Cigaal, oo dhigata Dugsiga Axmed Binu Xambal, oo gashay kaalinta 2-aad, Ciise Cabdisalaan Cabdullahi Yuusuf, oo dhigta Dugsiga Barwaqo, oo galay kaalinta 7-aad, iyo Faysal Maxamed Nuur Maxamed, oo dhigta Dugsiga Maxamed Jaamac, oo galay kaalinta 8-aad.
Guushan waxay ka tarjumaysaa dadaalka, kartida iyo juhdiga ay ardaydu geliyeen waxbarashadooda. Waxaan sidoo kale hambalyo iyo bogaadin u dirayaa waalidiinta, macallimiinta iyo guud ahaan bahda waxbarashada ee kaalinta muhiimka ah ka qaatay guushan.
Waxaan dhammaan ardayda Soomaaliyeed u rajeynayaa mustaqbal wanaagsan iyo guulo ka waaweyn kuwa ay maanta gaareen.