
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Awqaafta iyo Arimaha Diinta Dowlada Jubaland Mudane Aden Faarax Gaarane ayaa ka qayb galay Kulanka Aqoon-iswadaarsiga Caalamiga ee ka Hortagga Dacadiyada Dumarka iyo Caruuta loo geysto oo 10-14 Bishan Agoosto 2026 lagu qabtay Magaalada Nairobi ee Caasimada Wadanka Kenya.
Kulankan oo ay ka soo qayb galeen khuburo ka socotay 12 wadan oo Aduunka ayaa Soomaaliya ku matalayay wasaaaradaha Arimaha Diinta ee Dowladaha Jubaland iyo Puntland oo ay weheliyaan qaar ka tirsan Hogaanka Culumada labadaas maamul.
Wasaarada Awqaafta iyo Arimaha Diinta Jubaland ayaa soo bandhigtay sida Diinta Islaamku u ilaaliso xuquuqda dumarka, caruurta iyo guud ahaan sharafta iyo Karaamada Bini-aaddamka.
Gabagabadi Kulanka ayay Wasaaradu ku sooo bandhigtay Qorshe Jubaland lagaga
hirgelinayo Barmaamijka Caalamiga ee loo yaqaan FAME (Faith Actors Motivating Women’s Empowerment) oo marki oogu Horeysay la qorsheynayo in laga fuliyo deegaanada Jubaland iyo Puntland ee Soomaaliyeed.
Wasaarada Arimaha Diinta Jubaland ayaa sidoo kale soo bandhigtay intuu Aqoon-Iwaydaarsiga socday nidaamka awwoodeynta Culimada oo Wasaaradu sameysay 2025, taasoo lagu dhisay Dalladaha Culimada Haweenka iyo Ragga Jubaland, kuwaasoo loo diyaariyay fidinta Dacwada, wacyigelinta bulshada ee ka hortagga xumaanta, dambiyada, maandooriyaha iyo dacadiyada loo geysto Haweenka iyo caruurta.
Kulankan Aqoon-Iswaydaarsiga ayaa waxaa fidudeeyay Hay’ada NCA ee Wadanka Norway.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







