Ceelwaaq: In ka badan 50 gabdhood oo Xirfadaha gacanta bartay oo qalin-jabisay

0
9
Hay’ada Xoriyo foundation oo ah hay’ad maxali ah oo ka howl-gasha deegaanada Jubaland, isla markaana ka shaqeyso arimaha bulshada iyo haweenka tacadiga loo geysta, ayaa  Degmada Ceelwaaq ee Gobalka Gedo ugu qabatay Munaasabad ay ku qalinjabinayeen in ka badan 50 arday oo gabdho ah oo bartay xirfada gacanta ee cilaan-saarka.
Xaflada qalinjabinta oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeyb-galay, maamulka Degmada Ceelwaaq, Madaxa xafiiska Tayadhowrka waxbarashada ee Degmada, Odayaasha dhaqanka, waalidiin iyo wakiilo ka socday hay’ada Xoriyo Foundation.
Mas’uuliyiinti iyo marti-shararftii kasoo qeyb gashay Munaasabada ayaa hadallo kooban ka jeediyey goobta, waxayna ugu mahadceliyeen howl-wadeenada hay’ada Xoriyo foundation sida hagar la’aanta ah ee ay ugu heelan yihiin soo saarista arday xirfadlayaal ah oo mustaqbalka bulshada anfaca.
Gabogabadii, waxaa ardaydii qalinjabisay lagu doonsiiyay shahaadooyin ka tarjumaya cilmigii ay barteen, iyadoo Mas’uuliyiintii uhadlay hay’ada Xoriyo foundation ay balanqaadeen inay sii labo jibaarayaan dadaalkooda iyo xirfadaha ay baraan ardayda.