Maxbuus khawaarij ah oo ka warramay Jabkii kooxdiisa ku gaaray Kudhaa

0
157

Mid ka mid ah maleeshiyaadkii Khawaarijta ee lagu qabtay dagaalkii ka dhacay deegaanka Kudhaa ee degmada Badhaadhe, Gobolka Jubbada Hoose, 21-kii Jannaayo ee sanadkan, ayaa ka warramay jabkii culus ee halkaas lagu gaarsiiyay kooxdiisa.

Ninkan ayaa sheegay in howlagalkaasi uu sababay khasaare xooggan, isla markaana ay kala firxadeen maleeshiyaadkii la socday, halka qaar badan oo ka mid ahna lagu dilay dagaalka qaarkalana maxaabiis ahaan loo qabtay

Waxa uu sidoo kale sheegay in markii ay qabteen Ciidamada Dowladda Jubbaland iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, loo fidiyay daryeel bini’aadantinimo oo ay ku jiraan gargaar caafimaad, cunto, biyo iyo ilaalin, isagoo xusay in loola dhaqmay si waafaqsan xeerarka iyo anshaxa ciidamada.