Dhagayso: Doorka dowladaha hoose ee adeeg-dedejinta bulshada.Session#4

0
283

 

Dowladaha hoose waxay laf-dhabar u yihiin hirgelinta adeeg-daadjinta, maadaama ay yihiin hay’adaha ugu dhow bulshooyinka. Waxay door muuqda ka qaataan qorsheynta, fulinta, iyo kormeerka adeegyada aasaasiga ah sida waxbarashada, caafimaadka, biyaha, nadaafadda, iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.

Adeeg-daadjintu waxay u suuragelisaa dowladaha hoose in ay si degdeg ah uga jawaabaan baahiyaha bulshada, maadaama ay si dhow u fahmaan duruufaha iyo mudnaanta dadka deegaanka. Sidoo kale, waxay xoojinaysaa isla-xisaabtanka, hufnaanta, iyo ka-qaybgalka dadweynaha ee go’aan-qaadashada.

Intaa waxaa dheer, dowladaha hoose waxay door muhiim ah ku leeyihiin dhiirrigelinta horumar waara, nabadgelyada, iyo wada noolaanshaha bulshada, iyagoo kaashanaya hay’adaha kale ee dowladeed iyo kuwa caalamiga ah.