Taliyaha Hoggaanka Baarista Dembiyada (CID) ee Booliska Jubaland oo tababar u furay saraakiil ka tirsan ciidanka booliska

0
278
Taliyaha Hoggaanka Baarista Dembiyada (CID) ee Booliska Jubaland, Kabtan Cumar Xujaale Cabdi ayaa tababar u furay saraakiil ka tirsan ciidanka booliska, kuwaasi oo la barayay ka hortagga iyo ka jawaabida xadgudubyada la xiriira colaadaha.
Tababarkan oo ay bixiyeen khubaro, laguna qabtay Taliska Qaybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa sidoo kale qeyb galay Hoggaanka Qorsheynta iyo Tababarada ahna Afhayeenka Booliska, Dhame Shukri Faarax Ducaale.
Ka faa’iideystayaadha ayaa intii uu socday tababarka, waxa ay si firfircoon uga qayb-qaateen wada-hadalka ku aaddan arrimaha jinsiga iyo xuquuqda aadanaha.