Xoghayaha dowlada hoose ee degmada Kismaayo ayaa waxaa uu ka hadlay qaadashada shatiyada ganacsiga ee ganacsatada magaalada Kismaayo laga doonaayo,waxaana uu sheegay in qaadashada shatiyada ganacsiga in ay bilaabato 25 bishaanwaxaana ay egtahay 31 bisha soo socota.
Cabdirashid Mudulow ayaa sidoo kale waxaa uu ka hadlay dadka ka dhega’adayga qaadashada shatiga ganacsiga in talaabo laga qaadayo hadii ay ka hor yimaadaan amarka dowlada hoose ee Degmada Kismaayo.
Amarkaan ka soo baxay xafiska dowladaha hoose ee jubbaland ee lagu qaadanaayo Shatiyada ganacsiga ayaa sida uu sheegay mudoluw waxaa lagu eegayaa qof walba ganaciga uu heesto iyadoo loo kala xulaayo afar qaybood oo muhiim ah.