
Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga, iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo ku qabatay kulan wadatashi istaraatiiji ah oo ay isugu yimaadeen hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah ee ka howlgala deegaannada Jubbaland.
Kulankan muhiimka ah waxaa goob-joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga, iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jubbaland, Mudane Cabdirahmaan Cabdi Axmed, wakiillo ka socday hay’adaha kala duwan ee ka hawlgala Jubbaland, iyo qaar ka mid ah Agaasimeyaasha Guud ee wasaaradaha Dowladda Jubbaland.
Intii uu socday kulanka, waxaa diiradda lagu saaray adeegyada ay hay’aduhu ka fuliyaan deegaannada Jubbaland, caqabadaha hortaagan, iyo fursadaha lagu horumarin karo adeegyadaas. Sidoo kale, Wasaaradda Qorsheynta ayaa soo bandhigtay fariimo iyo xog muhiim ah oo lagu xoojinayo adeeg-bixinta iyo wada-shaqeynta hay’adaha ka hawlgala Jubbaland.
Wasiir Cabdirahmaan Cabdi Axmed, oo si rasmi ah furay shirka, ayaa ku boorriyey hay’adaha inay kordhiyaan wada-shaqeynta si loo gaaro yoolalka horumarineed ee Jubbaland, isaga oo xusay muhiimadda uu leeyahay wada-tashiga noocan oo kale ah.
Kulankan ayaa astaan u ah sida ay Jubbaland uga go’an tahay horumarinta adeegyada bulshada, iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo iskaashiga caalamiga ah iyo dhiirrigelinta maalgashiga dheeraadka ah ee deegaannada Jubbaland.