
Abuukar Adan Buule, oo ah horjooge sare oo ka tirsan maleeshiyaadda Khawaarijta, ayaa isku soo dhiibay ciidanka dowladda Jubbaland ee ku sugan degmada Luuqa ee gobolka Gedo.
Abuukar ayaa sheegay in uu u adkaysan waayay nolasha adag ee kooxaha ku jirto, isla markaan uu go’aansaday in uu iska soo tago.
Xubnaha kale ee maleeshiyaadka Khawaarijta, gaar ahaan kuwa wali duurka ku sugan, ayuu ugu baaqay in ay isku soo dhiibaan ciidanka dowladda Jubbaland.
Horjoogaha ayaa tilmaamay in si wanaagsan loo soo dhaweynayay, isagoo muujiyay inuu helay daryeel iyo xaalad wanaagsan intii uu ku guda jiray isku soo dhiibistiisa.
Maleeshiyaadka Khawaarijta oo laga ciribtiray deegaano badan ayaa kuwa yar ee ku sugan duurka wali bilaabay in ay isku soo dhiibaan, maadaama aysan jirin meel ay kaga dhuuntaan weerarada joogtada ah ee ciidanka halyeeyda ah ee dowladda Jubbaland.
Ciidanka dowladda Jubbaland ayaa wada howlgallo lagu ciribtirayo maleeshiyaadka Khawaarijta ee Jubbaland iyo guud ahaan Soomaaliya.