Ciidamada Jubbaland oo Weerar Ku Qaaday Fariisimo Argagixiso oo Ku Yaalla Barjala, Jubbada Hoose

67
Gobolka Jubbada Hoose, deegaan lagu magacaabo Barjala oo ku dhow halka loo yaqaano Cag Libaax, waxaa saacadihii la soo dhaafay ka dhacay dagaal culus oo ciidamada Jubbaland ay ku qaadeen fariisin argagixisadu ka sameysteen dhulka howdka ah.
Saraakiisha hogaaminaysa howlgalka ayaa u sheegay warbaahinta dowladda in goobta dagaalka ay ku sugan yihiin horjoogayaal sar-sare oo Soomaali iyo Ajaanib isugu jira, kuwaas oo maciin biday in ay halkaas kaga dhuuntaan diyaaradaha fuliya howlgalada joogtada ah ee Soomaaliya taageerada ka hela saaxiibada caalamka.
Howlgalkan oo laga qaaday saddex jiho oo kala duwan ayaa weli socda. Dagaalka waxaa sii adkeeyay xaaladda dhulka oo ah howd cidla ah, iyo in argagixisadu ay horey dhufeysyo uga sameysteen.
Warar aanu helnay waxay caddeeyeen in horjoogayaasha halkaas ku jira uu ka mid yahay Mahad Karataay, oo ah horjooge sare oo ka tirsan kooxaha argagixisada.