Waxaa maalinkii afaraad soconaya howlgalo ka dhan ah kooxda khawaarijta ah ee ku dhuumaalaysanaya dhulka howdka ah ee degmada badhaadhe gobalkka Jubbada hoose
Howlgalada ayaa waxaa si wada jira uwada ciidamada kala duwan ee daraawiishta Jubbaland iyo kuwa xooga dalka somaaliyeed .
Howlgaladan ayaa waxaa hogaaminayay taliyaasha ciidanka daraawiishta & qaybta 43-aad iyo ciidanka sida gaarka ah utababaran ee kummaandooska Danab .
Intii ay socdeen howlgalada waxaa lagu burburiyay fariisimo ay ku dhuumaalaysanayeen kooxaha khawaarijta iyadoona lagu qaarijiyay ku dhawaad sodomeeyo ka tirsan khawaaijta iyadoona la fashiliyay qaraxyo ay doonayeen inay ku waxyeeleeyaan bulshada soomliyeed .
Taliyaha Ciidanka daraawiishta Jubbaland General Ismaaciil Saxardiid Keysane oo la hadlay Radio Kismayo ayaa sheegay in jab xoogan la gaarsiiyay argagixisada sidookalana ay dab yaaqo yihiin oo meelkasta laga soo jabiyay ummadana ugu baaqey in ay umidowdo inta yar ee naf la caariga ah sidii loosoo afjari lahaa .
Ciidamada kala duwan ee daraawiishta Jubbaland iyo xooga dalka ayaa mudooyinka danbe howlagalo xooga ka wadey deegaanada Jubbaland kuwaasi oo lago xoreeyay dhul badan si layskugu furo deegaanada ay khawaarijtu kala xirtey isu socodkooda .