Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadelka Cimilada Dowladda Jubbaland oo todobadyadan xoogga saaraysay arimaha la xiriira nadiifinta bay’ada iyo kahortagga xaalufinta iyo dhireynta deeganada Jubbaland ayaa maanta qabatay munaasabadd lagu soo xirayey todobaadkii ay howlahan socdeen.
Barnaamijka ololaha nadaafadda deegaanka ee ay garwadeenka ka tahay Wasaaradda Deegaanka waxaa door weyn ka qaatay Ururada ka shaqeeya deegaanka iyo Wasaaradda Amniga gudaha Jubbaland gaar ahaana Ciidamada Daraawiishta Jubbaland.
Manta oo ay ku beegantahay maalinka deegaanka Aduunka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadelka Cimilada waxa ay dhirayn ku sameesay dhowr xaruumood oo kala duwan oo ay kamid yihiin Garoonka Diyaaradaha magaalada Kismaayo, dugsiga Tababarka Ciidamada Daraawiishta, xarumaha Waxbarashada, iyo qaar kamida Wasaaeadaha Jubbaland.
+12