Wax ka ogow Khasaaraha Dagaal laascaanood ka dhacay

579

Wararka ka imaanaya Magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya Illaa 4 qof ay geeriyoodeen  ayaa tiro kalena ay ku dhaawacmeen dagaal maanta ka dhacay magaalada Laascaanood.

Dagaalka  ayaa ka dhacay Aaga bariga iyo waqoooyiga kaga aaddan magaalada, kaas oo bilaabmay Aroortii hore ee saakay.

Dagaalka ka dhacay magaalada Laascaanood  ayaa waxaa uu u dhexeyay Ciidamada Soomaalilnd iyo kuwa degaank ee SSC- Khaatumo Waxaana Bar bar socday duqayn

 

Ciidamada Soomaaliland ayaa Madaafiic ku duqeeyay xaafadaha Magaalada Laascaanood waxaana ka dhashay khasaare kala duwan sida ay xaqijiyeen saraakiisha Ciidamada SSC Khaatumo oo ku sugan Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool .

Goobaha la duqeeyay waxaa ka mid ah Dugsi lagu barto farsamada gacanta, xarun ay leedahay shirkadda isgaarsiinta Telesom, Xarumo kale oo isbitaalka Laascaanood  iyo Xarun kayd u ah shirkad iibisa Gaaska  iyo guryo Dad shacab ah ay degan yihiin.

Guddiga maamulka SSC ayaa ku eedeeyey in ciidamada Somaliland  in ay weerarku soo qaadeen magaalada iyaguna ay iska difaaceen oo ku celiyeen halkii ay ka soo duuleen.