Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay la wareegeen degaanka Masaajid Cali Gaduud

571

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo dadka degaanka oo iskaashanaya ayaa waxaa la sheegay inay saaka ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta degaanka Masaajid Cali gaduud ee Gobolka Shabeellaha dhexe, halkaas oo maalmihii la soo dhaafay lagu hardamayay gacan ku heynteeda.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sheegay in   in Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka ay si buuxda gacanta ugu dhigeen degaanka Masaajid Cali-gaduud ee Gobolka Shabeellaha dhexe oo lagala wareegay Al-Shabaab.

Wasiirka oo Warbaahinta kula hadlay muqdisho wuxuu sheegay in muddo sanado ah ay Al-Shabaab gacanta kuhayeen degaanka Masaajid Cali gaduud oo ah degaan muhiim ah, isaga oo sheegay in guul usoo hoyatay ummadda Soomaaliyeeda ay tahay la wareegitaanka degaanka Masaajid Cali Gaduud.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac wuxuu sheegay in adeegyadii Bulshada ay gaarsiin doonaan degaanka, isaga oo ugu baaqay Ciidamada inay sii wadaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Wararka la helay ayaa sheegaya in Ciidamada ay howlgallo miina baaris ah oo ay ka sameeyeen gudaha degaanka Masaajid Cali gaduud ay qaarkood qarxiyeen kuwana kasoo saareen, kuwaas oo ay ku Aaseen Al-Shabaab.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa jirtay duqeyn xoogleh oo diyaaradaha turkiga ay ka geysnayeen degaanka Masaajid Cali Gaduud, taas oo keentay in Al-Shabaab ay degaanka isaga baxeen, waxaana dagaal muddo saacado badan qaatay uu degaanka masaajid Cali Gaduud ka dhacay 1-kii Bishaan.

Degaanka Masajiir Cali Gaduud oo ah degaanka istiraatiiji ah ayaa sidoo kale difaac u ah degmada Aadan yabaal oo ah fariisinka ugu Al-Shabaab ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyada oo Ciidamada dowladda iyo dadka degaanka ee hubka qaatay ay Maanta howlgallo ka wadaan gudaha iyo degaanka Masaajid Cali Gaduud.